Advertisements
Wararka

Booliska Turkiga oo ka baadi goobaya meydka Jamal Khashoggi keyn duleedka Istanbul…


Booliska dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay ka baadigoobayaan raqda wariye Jamal Khashoggi keyn ku taal duleedka magaalada Istanbul kadib xog ay ka heleen shakhsiyaad magacyahooda qariyay.

Wariye Jamal Khashoggi ayay booliska tuhunsan yihiin in lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul horraantii bishan xilli uu halkaasi u doontay waraaqo la xiriira arrimo guur.

Booliska Turkiga oo sidoo kale baaris ku sameeyay gudaha qunsuliyadda ayaa sheegay in ay hayaan caddeymo la xiriira in gudaha qunsuliyadda lagu dhex dilay islamarkaana la isku dayay in la tir-tiro raadadkaasi.

Waxa ay intaasi ku dareen in ay hayaan cadeymo ah in wariye Jamal Khashoggi lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda.

Jamaal Khashoggi ayaa qunsuliyadda u tegey si u buuxiyo warqado u ku guursan lahaa gacalisadiisa ,Hatice Cengiz oo u dhalatay dalka Turkiga, waxaana uu ahaa wariye dhaleeceeya siyaasadda dhaxalsugaha da`da yar ee boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salamaan.

Gabadhaas oo la socotay markii uu qunsuliyadda tagayey ayaan loo ogolaan in ay gudaha u gasho, sida uu nidaamku yahayna, Khashoggi waxaa uu iska reebay oo uu saaxiibtiisa uga tagay telefoonkiisa gacanta, isagoona ku wargeliyay in ay boolisku ku wargeliso haddii uu soo noqon waayo.

Wargeyska kasoo baxa dalka Turkiga ee Sabah, ayaa sheegay in ay aqoonsadeen koox sirdoon ah oo ka kooban 15 qof oo qayb ka ahaa in la waayo weriye Jamal Khashoggi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: