Advertisements
Wararka

Dayaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyey deegaan ku yaalla duleedka Kismaayo…


Dayuurado dagaal oo duqeyn ka fuliyey degaan ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Buulo-Xaaji oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ay ku dhinteen duqeyntaas, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Lama oga illaa hadda halka lala beegsanayey duqeyntan iyo cida iska leh dayuuradaha duqeynta geystay inkastoo ciidamada Maraykanka iyo kuwa Kenya looga bartay duqeymaha noocan ah.

Deegaanka Buulo-xaaji ee duleedka Magaalada Kismaayo ayaa mar walba waxaa ka dhaca dagaalo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada dowlada ee Jubooyinka ku sugan, kuwaasoo isku bedela gacan ku heynta degaankaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: