Advertisements
Wararka

Qaar ka mid ah dowladaha reer galbeedka oo qaadacay shirkii maalgashiga Sacuudiga…


Qaar ka mid ah Dowladaha reer galbeedka oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Britain ayaa qaadacay shirka ballaaran ee Maalgashiga ee lagu wado in Sacuudiga lagu qabto

Xoghayaha Maaliyada Mareykanka Steven Mnuchin, ayaa shaaciyay in uusan ka qaybgali doonin shirkaas, iyadoo arrintan ay la xiriirto dilka looga shakisan yahay in loo gaystay saxafiga Jamal Khashoggi.

Mr. Mnuchin ayaa sheegay in go’aanka ah in uusan shirkaasi ka qayb galin uu qaatay ka dib kulan uu la qaatay madaxwayne Trump iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo.

Shirwaynahan maalgashiga ayaa lagu wadaa in toddobaadka soo socda uu ka dhaco magaalada Riyadh ee xarunta boqortooyada Sacuudi Carabiya. Shirkani maalgashiga ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo 23 ilaa 25 October.

Waxaa shirkan martigalinaya dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman si uu u horumariyo ajandihiisa isbadalada iyo Qorshihiisa casriyaynta dhaqaalaha iyo bulshada ee 2030.

Go’aanka qaadacaada dowladaha ayaa la sheegay inuu dhabarjab wayn ku yahay dhaxal-sugaha Sacuudiga oo sumcadii uu caalamka ku lahaa ay si weyn hoos ugu dhacday dilka Khashoggi awgeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: