Advertisements
Wararka

Ciidamo ka tirsan Booliska iyo maleeshiyo hubeysan oo isku rasaaseeyey degmada Wadajir…


Ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir iyo Maleeshiyo hubeysan ayaa shalay gelinkii dambe isku rasaaseeyay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Is rasaaseyntan ayaa timid, markii Ciidamada Booliska oo ku gudajiray howlgal roondo ay ka wadeen agagaarka Siliga Ameerikaanka ay rasaas kala kulmeen maleeshiyooyin hubeysan.

Goobta is rasaaseynta ka dhacday ayaa waxaa tagay madax ka tirsan maamulka  Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka tirsan Booliska.

Afhayeenka Booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ciidanka Booliska ee howlgalka waday iyo maleeshiyaadka hubeysan uu dagaal dhex maray, iyadoo ciidamada Booliska ay dileen mid ka mid ah kooxdii hubeysneyd.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in saddex kale la dhaawacay oo ay ku jeebeysan yihiin Isbitaalka.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in askari boolis ah uu ku geeriyooday howlgalkaas.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay falal isugu jiray dhac iyo dil oo kooxo hubeysan ka geysanayeen magaalada Muqdisho, kuwaasoo u badnaa dhac, waxaana dadka deegaanka walaac ka muujinayeen kooxo hubeysan oo habeen iyo maalin dhac ka geysta xaafadaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: