Advertisements
Wararka

Golaha Iskaashiga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay doorasho ka dhacday Cadaado…


Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada oo kulan degdeg ah oo horudhac ah ku yeeshay magaalada Garowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay doorasho ka dhacday Cadaado oo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay ku doorteen Madaxweyne.

War saxaafadeed Golaha ay soo saareen waxay cod dheer ku beeniyeen doorashada la sheegay in Madaxweyne cusub loo doortay Galmudug, taasoo ay ku tilmaameen inay tahay fidmo ay hormuud ka tahay dowladda Dhexe oo gacan dhaqaale ku bixineyso burburinta Galmudug.

Sidoo kale Waxaa uu Goluhu caddeeyay inuu fashilmay dadaaladii uu waday Aqalka Sare, iyadoo ugu baaqay Urur Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka inay soo farageliyaan xaalada faraha ka sii baxeysa, si looga baaqsado in talada faraha ka baxdo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: