Advertisements
Wararka

Madaxweynaha Cameroon Paul Biya oo ku guuleystay doorashada madaxtinimo…


Madaxweynaha dalka Cameroon Paul Biya, ayaa markii todobaad si fudud ugu guuleystay doorashada madaxtinimo sida laga soo xigtay gudiga qaran ee dastuurka.

Mr Biya ayaa codadkii la dhiibtay bishan October helay 71.3 boqolkiiba,halka hogaamiyaha mucaaradka Maurice Kamto,oo ay tartameen uu isna aruursaday codad gaaraya 14.2 boqolkiiba.

Arintaan ayaa waxaa tv-ga qaranka Cameroon ka sheegay gudoomiyaha gudiga dastuurka,Clement Atangana.

Gudiga oo uu horay u magacaabay madaxweyne Biya ayaa dhanka kale gaashaanka u daruuray tabashada mucaaradka,waxaana ay tibaaxeen in doorashada ay u dhacday si xor, xalaal iyo cadaalad ay ku dheehan tahay.

Dhanka kale isniinta maanta ayaa ciidamo xoogan waxaa lagu soo daadiyay magaalooyinka waaweyn, halka dowlada ay mamnuucday in mucaaradka ay dibad baxyo dhigaan.

Doorashadii dhacday bishan October ayaa gobolka looga hadlo luuqada Ingariiska ay yareyd tirada ka codbixisay,kadib markii ay barakaceen 200,000 oo ruux oo ku sugnaa kadib dagaalo ka dhacay.

Arintaan ayaa timid kadib howlgalo xoogan ay milatariga ay ka bilaabeen kaasi oo ka dhan ah dagaal yahano hubeysan oo diidan in gobolkaas uu ka sii mid ahaado dalka Cameroon.

Paul Biya ayaa waxaa uu ka mid yahay hogaamiyeyaasha Afrika ugu waqtiga dheer.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: