Advertisements
Wararka

Howlgal ciidan oo lagu soo qabtay rag dhaca mobilada dadka rayidka ah magaalada Mogadishu…


Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgallo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ay ku qab qabteen Rag dadka rayidka ah moobillada ka dhici jiray.

C/naasir Siciid Muuse, oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga ayaa sheegay in xabsiyada ay ku jiraan rag badan oo arrintaas loo xiray islamarkaana dhawaan loo gudbinaayo hay’adaha garsoorka.

C/naasir ayaa sheegay in dowladda ay xil weyn iska saartay xaqiijinta amniga Magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay ciidamo dheeraad ah geysay xaafadaha qaar ee Magaalada taas oo sababtay in gacanta lagu dhigo dadka dhaca geysanayay.

Waxaa uu dadweynaha Magaalada Muqdisho ka codsaday in ay ciidamada amaanka kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga Magaalada ciidankana gacan siiyaan.

“Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, maalmahan waxaa laga cabanayay moobeelo la dhaco, dadkii falkaasi geysanayay gacanta ayaa lagu dhigay, waxaan ku amaanayaa shaqadaas ciidamada ammaanka.” ayuu yiri wasiir kuxigeenka wasaaradda amniga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: