Advertisements
Wararka

M/weynaha Somaliland oo baaq nabadeed u diray beelaha ku diriraya gobolka Sool…


Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay koonfurta gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Dhumay.

“Dagaalka dhumay ee wakhtigani maaha mid la aqbali karo, mana aha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladdaas, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka beelahaas walaalaha ah.

Waxaanu madaxweynaha Somaliland si adag u tilmaamay in aan loo dulqaadan karin colaad sokeeye oo sidan u khasaare badani ay ku soo noq-noqoto deegaankaas koonfurta gobolka Sool.

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka, maamulka gobolka iyo dhammaanba hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda amrayaa inay tallaabo dowladnimo ka qaadaan colaadaasi soo noq-noqotay, cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda iyo samahana tallaabo ku habboon ka qaadaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysataan daminta colaadaasi iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata colaadaa soo noq-noqotay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: