Advertisements
Wararka

Shiinaha oo furay buundada adduunka ugu dheer ee dul marta badda…


Dowladda Shiinaha ayaa xariga ka jartay buundada adduunka ugu dheer ee dul marta badda, taas oo gaaraysa 55 km.

Buundadan oo isku xirta Hong Kong iyo Macau iyo magaalada Shiinaha ka tirsan ee Zhuhai, waxaa loo isticmaalay farsamo cajiib ah marka la eego sidda looga taxadaray inay ku dhacaan Maraakiibta badda gooshaysa amaba ay hakiso duulimaadka garoonka Hongong oo ay u dhawdahay.

Dhismaheeda waxaa la soo billaabay sannadkii 2009-kii, waxaana ku baxay adduun lacageed oo gaaraya 4-bilyan oo dollar, balse Shiinuhu waxa uu rajaynayaa inay noqoto kaabe dhaqaale oo aad looga faa’iido.

Madaxwaynaha Shiinaha, Xi Jinping oo buundadan furay waxa uu sheegay in ay calaamad u tahay horumarka ay ka sameeyeen dhismayaasha muhiimka ah, ayna xaqiijiyeen hadaf muddo la hiigsanayey.

Injinneerrada Shiinaha ayaa sheegay buundada in loo naqshadeeyey qaab ay isaga caabbin karto dhulgariirka iyo duufaanta inta badan badaha Shiinaha ku dhufta.

Miisaniyadda faraha badan ee dhismaha Buundada ku baxday waxaa u dheer waa buundadi shaqaalihii ugu badnaa ay ku dhintaan inta uu dhismaheedu socday.

Dowladda Shiinaha waxaa ay ku sheegtay sababta buundadan loo dhisey in safarka qaadan jiray ugu yaraan afar saacadood loo soo gaabiyo ugu badnaan 30 daqiiqo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: