Advertisements
Wararka

Labo nin oo burcad ah oo dhac ka geystay suuqa Bakaaraha Mogadishu oo la qabtay…


Wararka ka imanaya uuqa Bakaaraha magaalada Mogadishu ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay qabteen labo nin oo Burcad ah oo mid ka mid ah bistoolad uu watay.

Raggaan ayaa lagu qabtay wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha, xilli halkaasi ay dhac ka gaysteen, kadibna ay isku dayeen inay ku baxsadaan Mooto Bajaaj ay wateen.

Ciidamada Booliska oo isku dayay inay qabtaan raggasi ayaa waxa ay sameeyeen iska caabin, waxaana sidaasi lagu dhaawacay mid ka mid ah ragii burcadda ahaa.

Intaasi kadib ayaa ciidamada waxaa u suuragashay inay gacanta ku dhigaan raggii Burcadda ahaa iyo Mooto Bajaajtii ay wateen oo ay ku qabteen wadada labaad Suuqa Bakaaraha, agagaarka Daarta Dahabshiil.

Booliska Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen beegsiga ay ku hayaan ragga burcadda ah ee dadka dhaca u gaysta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: