Advertisements
Wararka

Madaxda afarta maamul goboleed oo isku raacay in ay sameystaan xisbi siyaasadeed…


Madaxda afarta maamul goboleed ee Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa isku raacay inay sameystaan Xisbi siyaasadeed gaar ah, kaddib markii uu u soo gabagaboobay shir afartii cisho ee la soo dhaafay uga socday magaalada Garowe.

Xisbiga siyaasadeed ee ay sameysteen Madaxda afarta dowlad goboleed ayaa loogu magac daray Horusocd Qaran, (National Progressive Party), waxaana Guddoomiye loogu doortay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale waxaa is bedel lagu sameeyay Hoggaanka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaa Guddoomiye loogu doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, halka Guddoomiye kuxigeen loo doortay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xisbiga Horusocod Qaran ee ay sameysteen Madaxda maamul goboleedyada ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay Xisbiyada siyaasadeed ee dalka oo ay uga qeyb galayaan doorashada 2020 ee la qorsheynayo inuu noqdo doorasho xisbiyadeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: