Advertisements
Wararka

Xildhibaanada labada gole ee Itoobiya oo u doortay markii ugu horeysay haweenay M/weyne…


Haweenay ayaa ka noqotay dalka Itoobiya Madaxweyne markii u horraysay, xildhibaannada labada gole ee dalka Itoobiya oo kalfadhi yeeshay ayaana doortay Sahlework Zewdie.

Arritan ayaa timid ka dib markii ay Labada aqal ee baarlamaanka dalka Itoobiya oo warqaddii iscasilaadda ka aqbalay madaxweynaha dalka Itoobiya Mulatu Teshome.

Dowladda Itoobiya ayaa isbadallo waawayn oo siyaasadeed samaynaysay bilihii u dambeeyay tan iyo intii uu xilka la wadaagay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas Abiy Axmed.

Abiy ayaa horumar weyn ka sameeyay dhanka ka qaybgalka dumarka.

Isla bishan ayuu isbadal weyn ku sameeyay golahiisa wasiirrada 50% ayuuna dumar ka dhigay.

Shabakada Wararka

hagaag.com

info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: