Advertisements
Wararka

Ciidamada AMISOM iyo kuwa federaalka oo ka baxay deegaanka Fiidow oo maalmo ka hor…


Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowlada federaalka Somalia ayaa maanta ka baxay degaanka Fiidow ee ku yaalla xadka kala qeybiya gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan, halkaasoo maalmo ka hor ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM iyo qaar ka mid ah ciidanka dowlada ayaa dib ugu laabtay degmada Jalalaqsi, iyadoo ciidamada Burundi ay u jiheysteen dhinaca magaalada Jowhar oo ay markii horeba ay ka yimaadeen.

Xoogagii Al-Shabaab ee laga saaray degaanka Fiidow ayaa halkaas dib ugu laabtay wax yar ka dib markii ay ka baxeen ciidanka huwanta.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamada AMISOM uga baxeen degaanka Fiidow balse wararka qaar ayaa sheegaya iney ka baqeen degaankaas iney gu’doon ku noqdaan maadaama ay bilowdeen roobabkii xiliga deyrta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: