Advertisements
Wararka

Fanaanad Irish oo caalami ah oo shaaca ka qaaday in ay qaadatay diinta Islaamka…


Sinead O’Connor oo ah fannaanad Irish oo caalami ah ayaa shaaca ka qaaday Khamiistii in ay qaadatay diinta Islaamka, magaceedana ku bedeshay “Shuhada Davitt”.
Sida laga soo xigtay wargeyska Irish Post, O’Connor ayaa ugu dhawaaqday xisaabteeda Twitter-ka in ay ka baxday diinta Masiixiyada ee Catholic-ga qaadateyna diinta islaamka.

O’Connor ayaa faafinteeda ku sheegtay “Anigu waxaan ku faanayaa diinta Islaamka, tani waa natiijada dabiiciga ah ee gaarka u ah qofka caalimka ah ee arrimaha diinta,” ayey O’Connor ku tiri qoraalkeeda. “Kutubada muqadaska oo dhan waxay kuu horseedaan diinta Islamka, taasi oo ka dhigeysa kutubada kale ee muqadaska ah kuwo aan loo baahneyn”.

Oconor

O’Connor, oo 51 jir ah, ayaa sheegtay in ay magaceeda beddeli doonto kadib markii ay diinta Islaamka qaadatay, iyada oo isu bixisay “Shuhada Davitt”, waxay barteeda bulshada ku faafisay sawir iyada oo xiran xijaab, waxayna magaceeda cusub ku furatay xisaab kale.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: