Advertisements
Wararka

Maamulka Puntland oo ka jawaabay xisaab celin horey looga dalbaday….


Maamulka Puntland ayaa noqday Maamul Goboleedkii ugu horeeyay ee ka jawaabo qoraal ka soo baxay Wasaarada Maaliyada Dowlada Federalka taasoo loogaga dalbanayay Maamul Goboleedyada in ay ka soo xisaab celiyaan lacagihii ka soo gaaray dowlada Federalka.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayuu ku soo bandhigay lacagihii ka soo gaaray Dowlada Federalka sanadkii 2017 illaa iyo 2018ka.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay qaabka lacag USD 450,000 waxaana lagu qabtay dhamaystirka iyo rinjiyeenta Garoonka caalamiga ah ee Gen: Mohamed Abshir Airport iyo dhismaha Jidka Wasaaradaha oo ay si wada jir ah u maalgaliyeen Dowladda dhaxe iyo maamulka Puntland.

“Guud ahaan lacagta aan ka helay Dowlada Dhexe oo ay ku deeqeen beesha caalamka ayaa wadarteedu waxay gaareyaa USD 450, 000.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in wasaarada maaliyada Puntland ay la wadaageen xisaab-celinta dhammaan xafiisyada ay khuseeysay muddo bil ah ka hor.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: