Taliska AMISOM oo shaaca ka qaaday in ay dileen 7 dagaalame oo ka tirsan al-Shabaab…

Taliska AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in 7 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka ayaa waxay ku qaadeen saldhig Al-Shabaab kaga sugnaayeen Bariire.
Taliska AMISOM ayaa sheegay in howlgalkan oo dhacay Axadii la soo dhaafay ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo qaabilsan canshuuraha.
Inkastoo aan la sheegin sarkaalkan magaciisa, hadana AMISOM ayaa ku faantay in howlgankan uu u dhacay sidii loogu tala galay.