Advertisements
Wararka

Dowlada Israel oo dowlada Suuriya ku eedeysay madaafiic laga soo tuuray Gaza…


Milatariga Israel ayaa ku eedeyay dowlada Suuriya,in ay hageyso koox falastiiniyiin ah oo madaafiic ka soo tuuray magaalada Gaza, kuwaasi oo taageero ka helaya dowlada Iran.

Israel ayaa ku hanjabtay in ay jawaab rasmi ah ka bixin doonto hoobiyeyaasha looga soo tuuray gudaha Falastiin, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Saraakiil u hadashay maamulka Tel Aviv, ayaa tilmaamay in ay ogyihiin in amarkaan uu ka soo baxay maamulka Dimishiq, ayna qeyb ka yihiin ciidmada ilaalada xuduudaha Iran ee loo yaqaan IRG.

Afhayeenka milatariga Colonel Jonathan Conricus,oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in Israel jawaab bixinteeda aysan xadidi doonin juquraafi ahaan iyo halka laga soo weeray.

Dhanka kale milatariga Isreal ayaa saaka duqeymo ka geystay magaalada Gaza, gaar ahaan degaanada ay aaminsan yihin in madaafiicda looga soo tuuray.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa kadib dibad bax lix ruux ay ku dhinteen oo maalinkii shalay ka dhacay xeyndaabka ay Israel ku ooday degaanada ku hareereysan magaalada Gaza.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: