Advertisements
Wararka

M/weyne Shariif Xasan oo ka qayliyey baabuurta aan xabada karin oo Baydhabo la geeyey…


Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in magaalada Baydhabo ku soo daadgureyneyso diyaarado sida baabuur aan xabada karin.

Shariif Xasan ayaa sheegay in aanay horay dowladda Baydhabo u keeni jirin baabuur, balse haatan u muuqato musharaxiin la soo magacaabay ay sii siisay baabuurtaas.

Waxaa uu sheegay in dadka reer Koofur Galbeed ay yaqaanaan dadkii ay dooran lahaayeen.

Shariif Xasan ayaa tilmaamay inay rajeynayaan in doorashada Koofur Galbeer ay si nabad ku dhici doonto.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Baydhabo gaaray diyaarado siday ciidamo iyo gawaari aan xabadaha karin oo ay la socdeen labo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kuwaasoo ay taageereyso dowladda.

Dhinaca kale Banaan bax looga soo horjeedo faragelin la sheegay in dowladda ku heyso Baydhabo iyo doorashada Koofur Galbeed ayaa maanta ka dhacay Baydhabo, waxaana lagu gubay taayaro.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: