Advertisements
Wararka

Shirka kooxda xiriirka Somalia ee OIC oo si rasmi ah uga furmay magaalada Mogadishu…


Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ka furmay shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC,, iyadoo shirka si rasmi u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa sheegay in markii u horeysay ay tahay oo shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ka furmo, taasoo ku timid dadaalo badan oo la sameeyay, isagoo tilmaamay waxqabadkii 18-kii bilood ee la soo dhaafay.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya xubnaha Guddiyada joogtada ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ah 15-ka dal ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC, sidoo kale shirka waxaa jooga oo khudbad ka jeediyay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Qatar.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: