Advertisements
Wararka

Barcelona oo guuldaro qaraar gaarsiisay kooxda ay xifaltamaan ee Real Madrid…


Barcelona ayaa ku guuleysatay kulankii El Clasico oo maanta la ciyaaray, waxayna ku garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid shan gool, horyaalka Spain wareega 10aad.

Real Madrid ayaa ugu kacday qiimo weyn khaladaadkii ay sameeyeen daafaca, waxayna ka badbaaday guuldaro intaasi ka culus kadib markii Barcelona ay seegtay fursado badan oo goolal loo fishay intii ay ciyaarta socotay.

Ciyaaryahanka reer Uruguay Luis Suarez ayaa sii wata qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah inta uu ka maqan yahay xiddigooda Lionel Messi, wuxuuna kooxda Catalan u dhaliyay seddex gool.

Philippe Coutinho ayaa hogaanka u dhiibay Barcelona daqiiqadii 11aad, ka dibna Suarez ayaa seddexleey dhaliyay daqiiqadihii ​​30aad, 75aad iyo 83aad, ka hor inta uusan xiddiga Chile Arturo Vidal dhalin goolka shanaad daqiiqadii 87aad.

Marcelo ayaa dhaliyay goolka kaliya ee Real Madrid daqiiqadii 50aad.

Barcelona ayaa hogaanka La Liga-ha ku qabatay 21 dhibcood, halka Real Madrid ay 14 dhibcood kaga jirto kaalinta sagaalaad.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: