Advertisements
Wararka

Diyaarad Helikobtar uu lahaa Milkiilaha naadiga Leciester City oo burburtay…


Diyaarad Helikobtar oo uu lahaa milkiilaha Leicester City ee Ingriiska ayaa ku burburtay meel la dhigto gawaarida oo ka baxsan garoonka lagu ciyaaraha ee kooxda, kadib markii ay ka kacday garoonka dhamaadka ciyaar halkaasi ka dhacday.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan halka uu ku dambeeyey maalqabeenka leh kooxda ee u dhashay Thailand Vichai Srivaddhanaprabha, laakin ilo ku dhow qoyskiisa ayaa sheegay in milkiilaha Leicester uu la socday diyaarada.

Milkiilaha naadiga Leicester.jpg

Leicester City ayaa la ciyaartay West Ham United tartanka Premier League ee Ingriiska oo lagu ciyaaray garoonka King Power.

Sawirada laga qaaday goobta ayaa waxay muujinayaan olol aad u weyn oo ka dhacay goobta gawaarida la dhigto, inkastoo ay mar dambe la damiyey, sida ay sheegayaan wararka.

Afhayeen u hadlay booliska degmada Leicestershire ayaa sheegay in adeegga gurmadka degdegga ah uu hadda ka shaqeynayo dhacdada ” shil diyaaradeed oo ka dhacay halka baabuurta ladhigto banaanka garoonka.”

Dayaarada uu isticmaalo

Naadiga Leicester City ayaa waxa ay sheegtay in ay ka caawini doonto booliska iyo adeegyada gurmadka deg dega ah waxayna soo saari doonaan hadal faahfaahsan waqtiga ku habboon.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: