Advertisements
Wararka

Magaalo Turkiga ku taal oo dadka fuqarada aan ku gaajoon…


Tuullo Loo yaqaan Qracochan oo ka mid ah magaalooyinka ku yaallo bariga Turkiga ayaa makhaayadaha halkaasi ku yaala bixiya cunto bilaash ah oo la siiyo dadka saboolka ah, iyaga oo fulinaya waajibaadkooda caawinta dadka nasiibka ka hiiliyey.

Mid ka mid ah milkiilaha makhaayada Mirkaz ayaa sheegay muddo 35 sano in ay wadeen diyaarinta ugu yaraan seddax saf oo fadhi ah oo loogu tala galay masaakiinta xataa saacadaha makhaayada buuxdo, wuxuu yiri “masaakiinta waa in ay had iyo jeer imaadaan”.

Waxaa uu sheegay in ugu yaraan 15 qof ay yimaadaan makhaayadiisa si ay uga cunteeyaan cunto bilaash ah, sida ay sheegeen milkiilayaasha makhaayadaha magaaladan oo deggen 28 kun oo qof in ay cunto siiyaan maalin kasta boqol qof si bilaash ah.

Maqaayadahaasi ayaa dadka fuqarada ugu yabooha noocyo kala duwan oo raashinka sida kabaabka, digaaga, maraqa, bariis iyo khudaarta, waxay sheegeen in dhaqankani la soo waday muddo ka badan 70 sano, iyagana halkii ka sii wadaan dhaqankii ay ka barteen awoowayaashooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: