Advertisements
Wararka

Bolsonaro oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday dalka Brazil…


Jair Bolsonaro oo ahaa murashax ay siyaasaddiisu garabka midig ee fog tahay ayaa ku guulaystay doorashada madaxweynenimada ee dalka Brazil.

Bolsonaro ayaa ku guulaystay 55.2% codadkii la dhiibtay wuxuuna ka guulaystay Fernando Haddad oo helay 44.8% kaas oo u taagnaa xisbiga shaqaalaha, sida uu shaaciyay guddiga doorashada ee dalka Brazil.

Bolsonaro markii uu ololaha waday ballan qaaday in uu dabar goyn doono musuqmaasuqa, uuna hoos u dhigi doono falal dambiyeedyada Brazil ka dhaca.

Ololihii doorashada ayaa ahaa mid aad dadka u kala qaybiyay, qola walbana waxay ku andacoonaysay in haddii kuwa ka soo horjeeda ay guulaystaan ay Brazil burburi doonto.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: