Advertisements
Wararka

Diyaarad ay leedahay Shirkada Lion Air oo ku dhacday badda dalka Indonesia…


Diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 oo ay leedahay shirkadda Lion Air oo ay saarnaayeen 188 ruux ayaa ku dhacday badda dalka Indonesia wax yar uun ka dib markii ay ka kacday magaalada caasimadda ah ee dalka Indonesia ee Jakarta.

Duulimaadkan oo lambarkiisu ahaa JT 610 ayaa ku sii jeedday Pangkal Pinang oo ah magaalada ugu wayn jasiiraddaha Bangka Belitung.

Xiriirkii dhulka ay la samaynaysay ayaa lumay waxyar ka dib markii ay kacdayba, waxyar ka dibna badda ayaa laga helay, mana cadda in ay dad ka badbaadeen.

Diyaaraddan ayaa nooceedu ahaa Boeing 737 MAX 8, wayna cusbayd.

“Diyaaradda ayaa badda hoos u gashay 30 ilaa 40 mitir,” sida uu wakaaladda wararka AFP u sheegay Yusuf Latif oo ah afhayeenka Hay’adda Gurmadka. Wuxuuna intaas ku daray in ay wali baadigoobayaan burburka diyaaradda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: