Advertisements
Wararka

Garoon weyn oo casri ah oo xarigga looga jaray magaalada Istanbul ee Turkiga…


Waxaa shalay xarigga laga jaray garoonka ugu weyn uguna casrisan caalamka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaas oo uu xarigga ka jaray wajigiisa hore madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan.

Garoonkan oo loo bixiyay magaca «Istanbul Airport», ayaa waxaa ay dad badani qiyaasayeen in loo bixin doono «Erdogan International», balse madaxweynaha dalkaasi ayaa madasha xafladda furitaanka kaga dhawaaqay magaca cusub ee garoonkan kaas oo loo bixiyay «Istanbul Airport».

Dhismaha Airport-ka.jpeg

Qeybta hore 100 milyan oo socdaalayaal ah ayaa lagu wadaa in ay garoonkan adeegsato, laakiin sannadka 2023 waxaa lagu wadaa in uu noqdo garoonka ugu mashquulka badan caalamka oo ay isticmaali doonaan 200 milyan oo ruux.

Madaxweyne Erdogan ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee ticket ka jarta garoonkan cusub.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: