Advertisements
Wararka

Qaar ka mid ah shaqaalaha safaaradaha Somalia ee dibada oo muddo 9 bilood mushaar qaadan…


Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxa uu sheegay in aan wax mushaar ah aysan qaadan muddo sagaal bilood ah shaqaalaha safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay caalamka qaarkood.

Waxa uu sheegay Wasiir Cawad in Wasaaraddiisa ay ku yar tahay qoondada miisaaniyada la siiyay taasna ay keentay in mushaar la’aan ay ku dhacdo shaqaalaha ka shaqeeya safaaradaha qaar.

Waxa uu intaa kudaray Wasiirka in dhibaatooyinka haysta shaqaalaha safaardaha ay la qabaan shaqaalaha kale ee ka shaqeeya Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya.

Hadalka Wasiirka arrimaha dibadda ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili Madaxda dowladda ay inta badan sheegaan in shaqaalaha kala duwan ee dowladda la siiyay mushaaraadkooda.

Waxa sidoo kale maalintii shalay ahayd ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya miisaaniyad sanadeedka 2019-ka taaso 23% ka badan miisaniyadda sanadka sii dhamanaya ee 2018-ka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: