Advertisements
Wararka

Ciidamada Ammaanka P/land oo gacanta ku dhigay labo nin oo looga shakisan yahay dilka…


Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo wiil arday ahaa ku dilay gudaha magaalada Garowe, kuwaasi oo mid ka mid ah watay dareeska ciidanka booliska.

Raggan ayaa toogasho ku dilay wiilkan oo la taagnaa gabar uu la haasaawayay, kadib markii uu diiday inuu dhiibo telefoonkiisa gacanta oo ay doonayeen inay ka dhacaan.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Yaxye C/risaaq Xaaji Maxamed ayaa dhiganayay sanadka labaad qeybta caafimaadka jaamacadda Boosaaso faraceeda magaalada Garowe.

Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Puntland Muxudiin Axmed Aw-Muuse ayaa sheegay raggan ay qabteen in aysan ka tirsaneyn ciidamada booliska, islamarkaana looga shakisan yahay inay ka dambeeyaan dilka Yaxye, laguna sameynayo baaritaano dheeraad ah.

“Waxaan idin sheegayaa in ciidanka ammaanka ay gacanta ku dhigeen laba nin oo mid ka ah ku hubeysnaa qori, watayna dareeska ciidanka booliska, cadaaladda ayaa la horkeeni doonaa raggan”. ayuu yiri taliye Muxudiin.

Maamulka Jaamacadda Boosaaso faraceeda magaalada Garowe iyo ardayda ayaan shalay xaadirin xarunta waxbarashada iyaga oo dareenka la qeybsanayay qoyska uu ka baxay Marxuum Yaxye.

Magaalada Garowe ayaa maalmahan dambe waxaa ku soo kordhay dhaca ay geysanayaan ragga ku hubeysan dareeska ciidamada, iyaga oo mararka qaar dil u geysta shacabka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: