Advertisements
Wararka

Inta badan Shacabka Mareykanka oo aan ku kalsooneyn doorashada Congress-ka…


Ra’yi aruurin laga qaaday shacabka dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in badi aysan ku kalsooneyn doorashada golaha aqalka Congares-ka ee bisha soo socta ka dhaceysa dalka Mareykanka.

Dad tiradooda dhan tahay 10,683 oo wareysi laga qaaday 24 bishii September ilaa 7 bishan October ayaa waxay 55 boqolkiiba sheegeen in ay ku kalsooneyn doorasho cadaalad ah oo dhacda halka qaarkoodna ayba meesha ka saareen.

Qiimeyntan oo ay sameysay hey’ada Pew Research ayaa lagu sheegay in sideed boqolkiiba ay ku kalsoon yihiin in doorashada u dhacdo si xor ah.

Shacabka Mareykanka ayaa walaac xoogan ka qaba sirdoonka Ruushka oo doorashadii hore lagu eedeyay in ay qalqal galiyeen taasi oo keentay in si fudud uu ugu guuleysto Madaxweyne Donald Trump.

Sida laga soo xigtay hey’ada falanqeysa arimaha doorashooyinka iyo siyaasada ee Ipsos ayaa waxay ku sheegtay in doorashadii madaxtinimo ee sanadkii 2016-ka ay ku lug laheyd dowlada Ruushka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: