Advertisements
Wararka

Wakiilada QM iyo Midowga Afrika oo magaalada Baydhabo kula kulay Shariif Xasan…


Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Socdaalka Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ka mid ah safaro uu ku tagayo xarumaha maamul goboleedyada, si uu u dhageysto cabashada madaxda dowlad goboleedyada, isla markaana loo xaliyo khilaafka ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo uu wehliyo Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera ayaa la kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo hadda ah Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Sidookale.jpg

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa looga hadlay arrimaha xalinta khilaafka dowlad goboleedyada, dowladda Federaalka iyo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo 18 maalmood ay ka harsan tahay.

Wararka ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu u gudbiyay Wakiilka Qaramada Midoobey ashtako ku saabsan faragelin dowladda Federaalka ku heyso doorashada iyo taageero ay siineyso Musharaxiinta qaar, kaddib markii maalmo ka hor ay ka dageen magaalada Baydhabo diyaarado sida baabuur aan xabadaha karin iyo ciidamo.

Nicholas Haysom iyo Amb. Francisco Madiera ayaa wada dadaalo lagu dhex dhexaadinayo dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka, waxaana ay sidoo kale booqan doonaan magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: