Advertisements
Wararka

Ciidamada Sudan oo lagu eedeeyey in ay weeraro ka dhan ah rayidka ka geysteen Daarfuur…

Sudan's President Omar Hassan al-Bashir (front) welcomes Yemen's President Abd-Rabbu Mansour Hadi (not pictured) at Khartoum Airport August 29, 2015. REUTERS/Mohamed Nureldin Abdallah

Guddiga Qaramada Midoobay ee u qaabilsan baaritaanada ayaa shaaca kaga qaadeen warbixin ay soo saareen khamiistii shalay in ciidamada amniga ee Sudan ay weeraro ka dhan ah rayidka ay ka geysteen gobolka Daarfuur sanadihii 2014-kii iyo 2016-kii.

Arintaan ayaa lagu ogaaday kadib dabagal ay gudiga sameyeen iyaga oo kaashanaya xubno ka socda maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC.

Maxkamada dambiyada dagaalka ayaa dhanka kale soo saartay kal hore amar lagu xirayo madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

Dambiyada lagu eedeyay ciidamada ammaanka Sudan ayaa waxaa ka mid ah tacadiyo loo geystay saxafiyiinta ku dhaqan Daarfuur iyo xubno u ololeeyay arimaha bulshada.

Kumanan ruux ayaa la ogyahay in ay ku dhinteen gobolka Daarfuur dagaalo ka dhacay oo u dhaxeeya ciidamadaa dowlada iyo kooxaha mucaaradka tan iyo sanadii 2003-dii.

Goobaha ugu daran oo ay iska hor imaadyada ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Daarfuur,  Blue Nile iyo waqooyiga gobolka Kordofan.

Dowlada sudan ayaa dhanka kale bishii July mudo kordhin u sameysay xabad joojinta ay la gaartay kooxaha hubeysan ilaa dhamaadka sanadkan.

Maxkamada fadhigeedu yahay magaalada Hague-ayaa sanadkii 2009-iyo 2010-kii soo saartay amar lagu xirayo madaxweyne Al Bashiir oo ay ku eedeysay in uu tacadi bani,aadanimo uu ka geystay gobolka Daaarfuur.

Madaxweynaha Sudan oo dhankiisa marar badan la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay in dowladiisa ay xasuuq geysatay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: