Advertisements
Wararka

Dhaxalsugaha Sacuudiga ayaa ku tilmaamay Khashoggi in uu ahaa Islaami halis ah…


Amiirka dhaxalsugaha ee waddanka Sucuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan, ayaa waxa uu Mareykanka u sheegay in qoraaga la dilay Jamal Khashoggi uu u arkayay inuu ahaa Islaami halis ah, warbaahinta ayaa ku warramaysa.

Amiir Maxamed ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu arrintaasi taleefoonka ugu sheegay Aqalka Cad kaddib markii Khashoggi la waayay taas oo ka horraysay inta uusan Sucuudigu qiran inuu ninkaasi la dilay.

Sucuudi Carabiya ayaa iska fogaysay wararkaasi lagu daabacay wargeysyada Washington Post iyo New York Times.

Khashoggi, oo ahaa muwaadin Sucuudiga u dhashay kana shaqeynayay warbaahinta Mareykanka, ayaa waxaa si weyn loogu yaqaanay inuu dhaliilo maamulayaasha dalkiisa.

Maydkiisa ayaanan weli gacan lagu hayn, hasayeeshee Turkiga, Mareykanka iyo Sucuudi Carabiya ayaa dhammaantood waxa ay isku raaceen in lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul 2-dii bishii Oktoobar.

Sucuudi Carabiya ayaa waxa ay diidday in qoyska boqortooyada uu arrintaasi wax lug ah ku lahaa waxa ayna sheegtay inay “ka go’an tahay inay soo hesho xaqiiqda dhabta ah”.

Intii uu socday wadahadalka dhexmaray wiilka uu sodogga u yahay Madaxweyne Donald Trump Jared Kushner iyo Lataliyaha Ammaanka Qaranka Mareykanka John Bolton, ayaa waxaa lagu sheegay in Amiir Maxamed uu sheegay in Khashoggi uu xubin ka ahaa ururka Ikhwaanul Muslimiin, sida uu ku warramayo wargeyska the Washington Post.

Wicitaanka taleefanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa 9-kii bishii Oktoobar, todobaad kaddib markii la waayay Khashoggi.

Amiir Maxamed ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu ku booriyay Aqalka Cad inuu ilaaliyo xulafada ka dhaxaysa Mareykanka iyo Sucuudiga.

Bayaan ay wargeyska soo gaarsiiyeen qoyska Khashoggi ayaa waxa ay ku diideen inuu xubin ka ahaa Ururka Ikhwaanul Muslimiinta, iyagoo sheegay in qoraaga la dilay laf ahaantiisa uu sanadihii la soo dhaafay si joogta ah u diiday inuu ururkaasi xubin ka yahay.

“Jamaal Khashoggi ma uusan ahayn qof halis ah si walba oo loo eegaba. In sidaas lagu tilmaamana waa wax laga yaqyaqsiyoodo,” ayaa lagu sheegay bayaanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: