Advertisements
Wararka

Fatahaad khasaaro naf iyo maalba geysatay oo ka dhacday dalka Talyaaniga…


Wadanka Talyaaniga iyo dalal kale ee dariska la ah ayaa waxaa laga digayaa fatahaad xoogan oo ka dhalata kadib markii wabiyada qaar ay kaararka jabsadeen kadib roobab ka da’ay.

Roobab xoogan ayaa laga sii digayaa in ay ku hoori doonan wadamada Talyaaniga, Slovenia, Austria iyo Switzerland.

Dhanka kale dabeylo xoogan oo saacadii jaraysa 120 kiilo mitir ayaa ku dhuftay gobolka, ee dhaca waqooyiga Jarmalka.

Arintaan ayaa timid kadib duufaano joog hooseeya oo laga dareemay galbeedka bada Mediterranean-ka taasi oo laga yaabo in ay waxyeelo xoogan ka dhaliso dalal badan oo ku yaal qaarada yurub.

Ugu danbeyn dadka ku dhaqan degaanada hooseeya iyo wabiyada ayaa looga baaqay in ay taxadar dheeri ah muujiyaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: