Advertisements
Wararka

Isticmaalka maandooriyaha oo ku soo batay dhallinyarada isticmaasha xaafada Islii…


Waxaa sii kordhaya dhalinyarada isticmaasha muqaadaraadka ee ku nool xaafada islii ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Dhalinyaradan Soomaalida ah ayaa qaarkood isugu jira kuwo waxbarasho u jooga caasimada Nairobi iyo u yimid in ay uga anbabaxaan dibeda kadib bilaabay isticmaalka maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan.

Qaar ka mid ah Imaamyada Masaajida ayaa waxay arintaan u sababeeyeen in dhalinyarada qaar ay helaan lacago biil ahaan dibada looga soo diro oo aysan jirin cid ku koontaroosha. Shaqo la’aanta heysata dhalinyarada waxbartay ay keeneyso in ay isticmaalaan qaadka marka ay dareemaan jahawareer waa sida ay aaminsan yihiin.

Culimada ku dhaqan xaafada islii ayaa loogu baaqay in lala garab istaago wacyi galinta ay wadaan si looga hortago dhalinyarada caadeysatay isticmaalka maandooriyaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: