Advertisements
Wararka

Shuruudaha laga doonayo musharixiinta u taagan xilka M/weynaha KGS oo la soo saaray…


Bartamaha bishan November oo lagu wado in la qabto doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayey  guddiga doorashada ku dhawaaqeen shuruudaha laga doonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Shuruudaha laga doonayo musharaxa ayaa kala ah :

1- Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koonfur Galbeed, oo aan qabin xaas ajnabi ah.

2- Inuu Muslim yahay, kuna dhaqmo diinta Islaamka.

3- Da’diisu in aysan ka yarayn 40 sano.

4- Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaas.

5- In Dhimirkiisu dhan yahay.

6- In uusan galin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay.

7- Inuusan haynin wax xil ah oo loo magacaabay

8- Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka).

9- Inuu u hogaansamayo habraaca guddiga qabanqaabada doorashada, iyo inuu ku qancayo natiijada.

Doorashadan ayaa ah mid xiiso gaar ah wadata, iyadoo ay ku loolami doonaan musharixiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ku eedeeyay dowladda in ay gadaal ka riixeyso musharixiin gaar ah.

Xildhibaannada Koonfur Galbeed qaarkood ayaa la sheegay in ay Muqdisho u tageen arrimo la xiriira doorashada, iyaga oo kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Sidoo kale musharixiinta xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka mid ah Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur, wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo taliyihii hore ee nabad-sugida Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: