Advertisements
Wararka

Qaxooti u dhashay Sudan oo ku dhintay xero lagu qeybinayey cunto ee dalka chad…


Lix ruux oo qaxooti u dhashay dalka Sudan ayaa geeriyooday halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen kadib weerar ka dhacay xerada qaxootiga ee Bredjing oo ku taal bariga dalka Chad Jimcihii shalay.

Arintaan ayaa waxay timid kadib isku dhac ka dhashay dhanka qeybinta cuntada sida uu sheegay isku duwaha hey’ada hormarinta arimaha bulshada oo fadhigeedu yahay dalka Chad Mr Abdel Hatim Tahir.

Arintaan ayaa waxaa dhanka kale xaqiijiyay xafiiska madaxa hey’ada qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ee dalka Chad Simplice Kpandji.

Dowlada Chad ayaa bilawday baaritaan la xiriira qaxootiga reer daarfuur ee ku sugan xeradaas si loo hubiyo kuwa u baahan gargaar-ka taasi oo dhalisay isku dhaca.

Qaramada Midoobay oo 15 sano ee la soo dhaafay howlo gargaar ka waday xeradan ayaa sheegtay in ay jiraan dadka qaar oo aan u baahneyn gargaar kuwaasi oo si macno daro ah ugu sugan xerada.

Xerada qaxootiga ee Bredjing ayaa waxaa ku sugan 320,000 oo u dhashay badankooda dalka Chad waxaana qaarkood Qaramada Midoobay ay sheegtay in si bilaash ah ay gargaarka cuntada ku qaataan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: