Advertisements
Wararka

Duqeyn ay ka geysteen diyaaradaha Mareykanka bariga Suuriya oo dad rayid ku dhintay…


Ku dhowaad 15 ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka geysteen bariga gobolka Dayru zuur sida ay shaaciyeen warbaahinta gudaha.

Saraakiil ka tirsan xukuumada Suuriya ayaa u sheegay wakaalada wararka dowlada ee SANA in diyaaradaha Mareykanka ay duqeeyeen degaanka Hajin.

Dadka ku dhintay duqeynta ayaa waxay u badnaayeen caruur iyo haween,iyadoo dhanka kale tiro aan la shaacin ay duqeynta ku dhaawacmeen.

Bishii la soo dhaafay ayaa ergayga Suuriya ee Qaramada Midoobay Bashar al-Ja’afari uu kulanka golaha amniga ka sheegay in Mareykanka duqeymo aan loo meel dayin ka wado Suuriya.

Xukuumada Assad ayaa Mareykanka horay ugu dhaliishay in ay ka gaabisay dagaal ka dhan ka ah kooxda daacish oo badi laga saaray wadanka Suuriya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: