Advertisements
Wararka

Maxay ka qabatay Dowladan Musuq maasuqa, midnimada geyiga iyo sareynta Sharciga…


Dhowrista Hantida Qaranka:

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay lacag aan ahayn Mushaar iyo Gunada ay sharci ahaanta u leeyihiin dhamaadka bishii Ramadaanka.

Xogta ayaa sheegeysa in dhammaan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka la siiyay min $5000 (Shan Kun oo Doolar), waxaana la sheegay inay tahay lacag ay madaxda dowladda ugu talogaleen xildhibaannada, basle markii danbe magacyo badan yeelatay.

Xildhibaannada qaarkood ayaa sheegay in lacagtan loo siiyey xildhibaannada inay u isticmaalaan Ramadaanka iyo Ciidul firtiga (Xagal Ciid), halka xildhibaannada qaarkood ay sheegeen inay tahay mahadcelin doorashadii guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka iyo tuuridii kii hore.

Warar kale ayaa la sheegaya in lacagtan oo marka la isku daro noqoneysa ku dhow 1.5 Milyan oo Doolar loogu talogalay inay xildhibaannada fududeeyaan sharciyo muhiim u ah xukuumadda Soomaaliya oo Baarlamaanka horyaalla.

Halkaasi waxaa ka maqan daahfurnaanta xukuumadan ku faanto, lacag intaasi la’eg oo aan loo marin nidaamka sharciga ee lacagta lagu bixiyo oo loo qeybiyey xildhibaanada, waxaa nasiib daro ah wasiiradii ayaa xildhibaano ah oo lacagtii wax ka qaatay, xildhibaanadii la xisaabtami lahaa xukuumada ayaa afka wax loo saaray, sidee kula xisaabtami doonaan waa yaabee.

Nidaamkii dowlada ku dhisneyd ee Check and Balance ayaa halkaasi ku lumay, wixii oo dhan waa ay isku dhex yaaceen.

Musuq maasuqa haddiiba dowlada hor boodeyso in ay bixiso lacag aan sharci aheyn, sidee u dhihi kartaa musuq maasuq ayaan la dagaalamayaa iyadaaba musuq ahee.

Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada geyiga Somalia:

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo xaruntooda ku yeeshay kulanka 1aad ee kalfadhiga 3aad ayaa ansixiyay xeer dhowraya gobanimada iyo midnimada geyiga Soomaaliya.

Xeerkan waxaa lagu sheegay qodobo muhiim ah, waxaana ka mid ah:

Qodobka 1aad
Heshiis caalami ah waxaa jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya u geli kara oo keliya xukuumadda federaalka ah ayadoo sharci ahaan loo soo marsiinayo hay’adda sharci dejinta JFS uuna madaxweynaha JFS ku meelmarinayo xeer madaxweynaha laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee JFS.

Qodobka 2aad
Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kaloo shisheeye, oo ka hor imaanaya dastuurka federaalka ah waa waxbo kama jiraan aanan sharciyad laheyn
Heshiis kasta oo shirkadda Dubai Port World” DP world” lala galay waa waxba kama jiraan maadaama uu ka hor Imaanayo dastuurka dalka, xeerka maalgeshiga shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.

Shirkadda Dubai Port World “DP World” oo si bareer ah ugu xadgudubtay siyaadada, madaxbannaanida, midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, waxaa saas daraadeed shirkadan laga mamnuucay dalka.

Qodobka 3-aad.
R/ Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la farayaa inuu si degdeg u gaarsiiyo xeerkan madaxdaa xukuumadda istutaga Imaaraadka Carabta “UAE” kuna wargeliyo iney ku kaceen falal culus oo xadgudub ku ah qaanuunka caalamiga ah oo ay ka mid yihiin kuwa kor ku xusan si bareer ahna uga horimaanaya Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xaqa shacbiga Soomaaliyeed dowga u leeyihiin bedqabka dalkooda, ilaalinta gobonimadiisa iyo midnimada geyigooda.

Waxaa kaloo la farayaa R/ wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya in uu si degdeg ah baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed u hor Keeno tillaabooyinka iyo howlgallada xukuumadda ay ku ilaalneyso sareynta dastuurka iyo badbaadinta midnimada geyiga Soomaaliya.

Qodobda 4aad:
Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya waxaa uu dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u istaagaan gudashada waajibka saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ee difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada qarabka

Qodobka 5aad
Xeerkan waxaa uu dhaqan galayaa marka uu ansixiyo baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ku meel mariyo xeer madaxeyne, laguna soo saaro faafinta rsamiga ah ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xeerkaasi sida quruxda badan loo qoray xaguu ku dambeeyey, maxaa loo saxiixi waayey, waxaa ayaan daro ah in DP World oo Imaaraadka laga leeyahay ay iska wadato howsheeda tii dekkeda iyo saldhiggaba, arrintan ayaa maalmo xiiso loo yeelay kadibna waa iska shiiqday, waayo madaxdu waxay ogyihiin ummada Soomaaliyeed badankooda ay ku nool yihiin caadifada, haddiiba arrintu muddo ka soo wareegto, ma arkeysid cid dabasocota oo xataa ka faalooneysa.

Madaxda dowlada ayaa u xilsaaran in la ilaaliyo midnimada geyiga Soomaalida, taasi oo iyana u muuqata mid quus ah, maadaama DP World madaxdooda waxay ku hadleen oo aan maqalnay ay iska wataan howshooda, sidii dalka in ay nala leeyihiin oo kale.

Sareynta Sharciga iyo Cadaalada:

Allaha ha u naxariistee waxaa toogasho lagu diley wasiirkii howlaha guud iyo guriyeynta federaalka, ahaana xildhibaan baarlamaanka federaalka Mudane Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaje.

Inta la dilay Cabaas waxaa laga joogaa in ka badan 17 bilood, Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku riday xukun dil ah qofkii ka dambeeyey dilkiisa kol hore, waxaana warqada in dilka la fuliyo hor taalaa Madaxweynaha Somalia si uu u saxiixo, kol hore waxaa u tagay Madaxweynaha xildhibaano cabasho ka ah fulin la’aanta arrintaasi, ma garan karno waxyaabaha ka socda derbiga gadaashiis, balse waxay u muuqataa cadaalad daradii dalkan horey ugu burburay.

Dhinaca Cadaalada, waxay ka mid tahay meelaha dowladani ama Madaxweynaha had iyo jeer ka hadlo, hadana asaga qudhiisa ma fuliyo go’aanada maxkamadaha ee fulinta qisaasta dadka wax dilay, hadaba maxaa had iyo jeer looga hadlayaa cadaalad hadaanan la fulineyn.

Cadaaladu waa halka uu ka buko dalkeena, haddaan la toosin, ciriiri laga bixi maayo.

(إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالْإِحْسانِ وَإِيتاءِ ذِي الْقُرْبى وَيَنْهى عَنِ الْفَحْشاءِ وَالْمُنْكَرِ وَالْبَغْيِ يَعِظُكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ)
{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ بِالْقِسْطِ شُهَدَاءَ لِلَّهِ وَلَوْ عَلَى أَنْفُسِكُمْ أَوِ الْوَالِدَيْنِ وَالْأَقْرَبِينَ إِنْ يَكُنْ غَنِيًّا أَوْ فَقِيرًا فَاللَّهُ أَوْلَى بِهِمَا فَلَا تَتَّبِعُوا الْهَوَى أَنْ تَعْدِلُوا وَإِنْ تَلْوُوا أَوْ تُعْرِضُوا فَإِنَّ اللَّهَ كَانَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرًا} [النساء:135]
{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاءَ بِالْقِسْطِ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلَّا تَعْدِلُوا اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ} [المائدة:8]

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: