Advertisements
Wararka

M/weyne Erdogan oo dadka waayeelka ah u ballan qaaday guryo iyo ceymis caafimaad…


Shacabka Turkiga ayaa soo dhaweeyay balan qaad uu maalin ka hor ku dhawaaqay madaxweynaha Turkiga Rejab Tayyeb Erdogan.

Hogaamiyaha Turkiga ayaa ku dhawaaqay arin ka farxisay dhamaan shacabka Turkiga gaar ahaan dadka jira da’aada 65-ta sano iyo wixii ka weyn.

Erdogan ayaa sheegay in dowladiisa ay ugu deeqi doonta dadkaan guryo bilaash ah ceymis caafimaad 300 oo dolar oo uu qaadan doono ruux walba inta noloshiisa ka dhiman iyo hal mar oo si bilaash ah lagu geyn doono xajka.

Dadka waaweyn iyo guud ahaan shacabka kale ee Turkiga ayaa go’aanka madaxweynha kaga mahad celiyay waxaana ay sheegeen in hogaanka kale ee mustaqbalka uu noqon doono shaqsi ay ku daydaan.

Mr Erdogan ayaa tan iyo markii uu la wareegay talada Turkiga waxaa uu hormariyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo nolosha shacabka dalkaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: