Advertisements
Wararka

Dad badan oo rayid ah oo ku xaniban magaalada Xudeydah oo dagaal ka socdo…


Kumanaan ruux oo rayid ah ayaa ku xayirmay dhanka koonfureed ee magaalada Xudeydah oo ay dagaalo xoogan ku dhexmarayaan isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga oo taageeraya ciidamo ka tirsan dowlada iyo mucaaradka hubeysan ee Xuutiyiinta.

Ciidamada isbaheysiga ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday duqeymo xoogan difaacyada ay ku sugan yihiin Xuutiyiinta kaasi oo khasaaro nafeed dhaliyay.

Hey’adaha gargaarka ayaa walaac xoogan ka muujiyay dagaalada dib uga soo cusboonaaday magaalada, waxaana ay sheegeen in ay adkeysay xaalada bani aadanimo ee ka jirta Yemen.

Dhanka kale hogaamiyeyaasha caalamka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya dowlada iyo mucaaradka,waxaana ka mid ah dalalka baaqan soo jeediyay wadanka Mareykanka.

Saraakiil ka tirsan dowlada iyo xubno u hadlay Xuutiyiinta ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in dagaal qaraar uu ka dhacay galbeed-ka magaalada Xudeydah.

Dadkaan ayaa ku xayiran inta u dhaxeysa madaarka magaalada iyo jaamacada,waxaana afartii maalmood ee la soo dhaafay adkaatay in dadkaan ay ka baxaan magaalada.

Arintaan ayaa wakaalada wararka ee Reuters u xaqiijiyay maamulaha hey’ada qaxootiga ee dalka Norway ee loo yaqaan Norwegian Refugee Council.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: