Advertisements
Wararka

Golaha Ammaanka oo ansaxiyey qaraar lagu cunaqabateynayo dalka Liibiya ee xadgudubka…


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar cunaqabateyn oo lagu soo rogay dalka Liibiya, si ay uga qayb galaan dagaalka ka dhanka ah xadgudubka galmada ee ka socda xerooyinka qaxootiga ee dalkaasi, CNN ayaa horey u soo bandhigtay in xerooyinka qaxootiga la isku adoonsado oo ka dhacaan falal dembiyeed ka baxsan aadanaha, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Holland ayaa aqoonsaday dadaalka lagu ogaaday jiritaanka ka ganacsiga dadka ee dalka Liibiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Holland, Steve Blok, ayaa sheegay Isniintii shalay in ay Liibiya ka dhacaan “Xadgudub galmo oo ku xiriirsan ilaa khadka socdaalka ee Libya “, wuxuu ku daray “in uu ku faraxsan yahay in cunaqabateyn lagu soo rogay Liibiya oo ka dhan ah rabshadaha ama tacadiga galmada ee loo geysto qaxootiga”.

Dhinaca kale danjiraha Netherlands u fadhiya Qaramada Midoobay Karel van Oosterom ayaa u sheegay qaraarka suxufiyiin ku sugnaa hoolka Golaha Amniga Isniintii “Taasi micnaheeda waa weeye kuwa dembiyada xadgudubka galmada geystay ee xerooyinka qaxootiga oo kufsada haweenka ay halis ugu jiraan cunaqabateyn, sidaa darteed waxaan rumeysan nahay in tani ay tahay tallaabo muhim ah”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: