Advertisements
Wararka

Golaha Iskaashiga DG oo cambaareeyey faragelinta lagu haayo doorasha Koonfur Galbeed…


Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa si kulul u cambaareeyay faragelin lagu haayo doorashada Koonfur Galbeed, iyagoo soo dhoweeyay go’aankii xubno ka mid ah Guddiga doorashada Koonfur Galbeed isku casileen.

Qoraal ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in Golaha ka digayo faragelin qaawan oo hoggaanka dowladda Federaalka ku hayaan doorashada Koonfur Galbeed.

Waxey sheegeen in illaa boqol Xildhibaan ku dhow oo ka tirsan Koonfur Galbeed lagu daabulay diyaarado, lana geeyay magaalada Muqdisho, si loo siiyo lacago laaluush ah sida lagu yiri qoraalka.

Waxaa uu Golaha ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta faragelinta lagu haayo doorashada Koonfur Galbeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: