Advertisements
Wararka

Wasiiru dowlihii dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Koonfur Galbeed oo xilka laga qaaday…


Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiru dowlihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Abba Aawoow Suufi Caffan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee dhowaan diyaarado lagu keenay magaalada Muqdisho.

Wasiiru dowlaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Abba Aawoow ayaa ka soo muuqday baraha bulshada, isagoo si kulul u weeraraya siyaasadda Koonfur Galbeed, waxaana wasiirka mararka qaar weeraray shaqsiyadda Shariif Xasan.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa xilka looga qaaday wasiiru dowlaha, iyadoo sababaha xilka looga qaaday lagu sheegay anshax xumo iyo aflagaado ka baxsan hab maamuuska iyo sharafka Golaha Wasiirada Koofur Galbeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: