Advertisements
Wararka

Afhayeenka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo xilka goor dhow iska casilay…


Afhayeenka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya,Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa xilka goor dhow iska casilay, sida ay ku warrantay warbaahinata gudaha.

Cabdullaahi Sheekh , oo sidoo kale ah wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed ayaa iscasilaadiisa sheegay inay ka dambeysay markii uu xilka madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfur Galbeed iska casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa guddoomiyaha golaha iskaashiga maamul-gobolleedyada, waxaa kalo u shaaciyay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa horay u magacaabay afhayeenka golaha, waxaana golaha oo lagu dhisey dhammaan hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada oo shan ah hadda ku soo haray kaliya saddex hoggaamiye gobolleed oo kala ah madaxweynayaasha Jubbaland,Galmudug iyo Puntland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: