Advertisements
Wararka

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo iska casilay xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed…


Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhow magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kaddib cadaadis siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay la kulmayay.

Shariif Xasan ayaa xilliga uu ku dhawaaqayay is casilaadiisa waxaa hareer taagnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye

Waxaa uu kaloo ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka Musharaxnimada, taasoo soo afjareysa jahwareerkii ka taagnaa doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Is casilaada Shariif Xasan waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo goor si horeysay gaaray Baydhabo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa si KMG u sii heyn doona xilka Madaxweynaha, inta laga soo dooranayo Madaxweyne cusub.

Shariif Xasan ayaa qorsheynayay inuu muddo ku darsado, hase ahaatee cadaadis Beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka oo ka soo horjeeday in dib u dhacdo waqtiga doorashada, waana sababta soo dedejisay is casilaadiisa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: