Advertisements
Wararka

Xildhibaano ka tiran Koonfur Galbeed oo ku sugnaa Mogadishu oo dib ugu noqonaya Baydhabo…


Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Baydhabo, waxaana saaka aroortii basas looga qaaday Hoteladii ay degenaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada oo ka badan afartameeyo ayaa todobaadkii hore diyaarado looga soo qaaday Baydhabo, iyagoo qaarkood kulamo la qaateen Madaxda dowladda Federaalka, gaar ahaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Tallaabada Xildhibaanada looga soo qaaday Baydhabo ee loo keenay Muqdisho ayaa banaanka soo dhigtay faragelinta dowladda Federaalka ku heyso doorashada Koonfur Galbeed, gaar ahaan taageerada ay siineyso Musharax gaar ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada loo sameeyay balan-qaadyo iyo taageero dhaqaale, haddii ay is bedel ka keenaan Hoggaanka Koonfur Galbeed.

Jahwareer ayaa ka taagan doorashada Koonfur Galbeed, iyadoo maalin ka hor ay is casileen illaa 15 xubnood oo isugu jiray Guddoomiyaha iyo kuxigeenka Guddiga qaban qaabada doorashada Koonfur Galbeed, iyagoo ku sababeeyay in is casilaadooda faragelin lagu hayo doorashada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: