Advertisements
Wararka

M/weynihii hore ee Koonfur Galbeed oo kulankii ugu dambeeyey la qaadan doona Wasiiradiisa…


Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed ee shalay ku dhawaaqay inuu is casilay, sidoo kalena ka haray tartanka doorashada Koonfur Galbeed, ayaa maanta lagu wadaa kulankii ugu dambeeyay inuu la qaato Wasiirada iyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Xubno ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay kulanka maanta inuu noqon doono mid dar daaran ah oo Madaxweyne Shariif Xasan uu kula dar daarmaayo Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa la filayaa kulanka Wasiirada uu la qaadan doono inay ka soo qayb gali doonaan Xildhibaanada qaar ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed ayaa waxa ay gashay jawi cusub oo Siyaasadeed, kadib iscasilaadii uu sameeyay Madaxweynihii Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sideed maalmood kaliya ayaa ka harsan waqtigii lagu balamay qabsoomida doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ah 17ka Bishan.

Sidoo kale waxaa suuragal ah Shariif Xasan inuu kulan la qaato Saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed oo uu siiyo dar daaran gaar ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: