Advertisements
Wararka

Madaxweyne Farmaajo iyo Gudd. Mursal oo ka wada hadlay xaalada Koonfur Galbeed…


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan is bedelka ku soo kordhay Koonfur Galbeed, kadib is casilaadii Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sida wararka sheegayaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo sidii dowladda Federaalka u xaqiijin laheyd in doorasho nabdoon ka dhacdo magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in la isku afgartay in wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ay tagaan magaalada Baydhabo, sidii looga qeyb qaadan lahaa dadaalada socda iyo habsami u socodka howlaha doorashada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa Labada Mas’uul ka wada hadleen sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda.

Guddoomiye Mursal ayaa ah xilligan mas’uulka ugu sareeya ee dowladda Federaalka ku matala reer Koonfur Galbeed, inkastoo saameyntiisa siyaasadeed aanay muuqan, hadana waxaa la sheegayaa in arrimaha Koonfur Galbeed aanu ku aragti aheyn sida dowladda Federaalka wax u wado.

Dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxtooyada ayaa taageersan Musharax ka mid ah kuwa xilligan u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana dhowaan Muqdisho la keenay Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed oo la dejiyay Hotelada qaar, kuwaasoo la sheegay in laga dhaadhiciyay inay doortaan Musharaxa ay dowladda wadato.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: