Advertisements
Wararka

Haweeney ku jirtay baashaal galmo oo ka soo dhacday sariir oo weydiisatay magdhow…


Maxkamad British ah ayaa riday xukun dacwad lagu weydiistay magdhow gaaraya malaayiin pound oo haweenay ku curyaantay kadib markii ay ka soo dhacday sariir cusub iyadoo ku jirtay baashaal galmo.

Claire Busby, 46, ayaa dhib kala kulantay dhaawaca laf-dhabarta oo sabab u aheyd iyadoo u dhacday dhinaca madaxa markaasi oo bedeleneysay qaabka ay u jiiftay sariirta xilliga ay socotay howsha galmada, taasi oo sababtay in ay ka soo dhacdo sariirta weyn oo aheyd (super king size).

Haweeneyda ayaa eeda dusha ka saartay sida ay u aragto sariirta oo ceeb laheyd.

Si kastaba ha ahaatee, garsooraha Maxkamadda Sare, Barry Cotter ayaa xukumay in kiiska uu ahaa “shil naxdin leh”, laakiin diiday codsiga magdhowga, kadib markii ay u cadaatay in sariirta aan ceeb laheyn.

Maxkamadda ayaa waxay dhageysatay hadalkii Busby oo tilmaantay in ay ku howlaneyd galmo ay la wadaagtay jaalkeeda John Marshall, toddobaad kaddib markii sariirta cusub loo keenay.

Waxay kaloo u sheegtay maxkamadda in ay aheyd markaasi xaaladeeda mid jilba joog ah markay damacday in ay bedesho qaabka oo kala dhaqaajiso lugaheeda taasi oo keentay dhaqdhaqaaqa salka sariirta.

Lammaanaheeda Marshall, ayaa sheegay in ay dhibaato ka soo gaartay dhacdada, isaga oo marka hore ku qoslay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: