Advertisements
Wararka

Nin dhallinyaro ah oo qaboob u dhintay asagoo ka tahriibinayo sigaar buuraha Fransiiska….


Nin dhallinyaro ah oo Aljeeriya u dhashay ayaa u dhintay qaboob daran dalka Fransiiska asaga oo ka tahriibinayay sigaar buuraha Pyrenees kuna bedelanaya lacag aan sidaasi u badneyn.

Bilayska Faransiiska ayaa helay wiilkan 20 jirka ah todobaadkii hore asaga oo ku dhex jira baraf.

Baarayaashu waxay aaminsan yihiin in uu waday boqollaal baako oo sigaar ah, dhinaciisa waxaa laga helay 50 euro.

Qoyskiisa ayaa gartay Khamiistii ka dib markii la waayay dhowr maalmood.

Dhibaatadan bini’aadan ee dhawaanahan soo ifbaxday ee tahriibinta sigaarka oo la dul marayo buuraha u dhaxeeya Andorra iyo Faransiiska ayaa halis ku ah dhallinyarada noloshooda, iyaga oo la siinayo lacag aan buurneyn, halka tahriibayaasha waaweyn ay ka badbaadaan canshuuraha.

“Tahriibiyayaashu waa kuwa ka faa’iideysanaya dadka saboolka ah waxayna ku riixayaan inay naftooda halis ugu galiyaan lacag yar,” sidaasi waxaa yiri xeer ilaaliyaha magaalada Brignon.

Xeer Ilaaliyaha ayaa ku dhawaaqay baaritaan dambi ah oo ku saabsan khatar gelinta nolosha qof kale ama ka gaabinta gudashada waajibaadkooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: