Advertisements
Wararka

Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Hotel Saxafi iyo agagaarka xarunta CID ee Mogadishu…


Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyo ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka Saxafi iyo agagaarka Xarunta CID.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ka badan yihiin 15 ruux oo ahaa dad rayid ah oo wadada marayay.

Qaraxyada ayaa dhacay xilli wadada mashquul aheyd, gawaari fara badan ay wadada laamiga hormarta Hotelka Saxafi ay marayeen.

Mid ka mid ah gawaarida qaraxa uu saameeyay ayaa ahaa gaadiidka dadweynaha oo ay dad badan saarnaayeen xilliga gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxayay wadada Laamiga ee Hotelka Saxafi.

Wariyeyaal goobta tagay ayaa soo sheegaya in dhimashada ay ka badnaan karto tiradaas, isla markaana uu jiro burbur xoog leh oo uu sababay qaraxyada.

Ilaalada Hotelka ayaa toogtay afar dabley oo isku dayay inay dhabarka dambe ka soo galaan Hotelka, kaddib markii ay baabuur qaraxyo ah ku weerareen albaabka hore.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, waxaana socda gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxyada oo loola cararay Isbitaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada ismiidaamin ee lagu weeraray Hotelka Saxafi iyo agagaarka Xarunta CID.

Qaraxyadan ayaa ku soo aaday, iyadoo maanta aheyd maalin jimco ah oo dadka inta badan shaqooyinka ka nastaan, balse xilliyada galbihii ayaa ah xilli mashquul ah oo dadka ay is booqdaan, isla markaana tagaan goobaha lagu shaaho.

Bartilmaameedka qaraxan marka aad eegto wuxuu ahaa hoteelka oo ah mid siweyn amaankiisa loo ilaaliyo islamarkaana degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad kale oo bulshada caan ka ah.

Gadiidka gurmadka deg dega ayaa markiiba gaaray goobta ay wax ka dhaceen kuwaa oo halkaa ka qaaday dadka ay wax yeelladu soo gaartay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: